Bogga Hore

Lex Gaudius

Qareemo-caalami ah oo ku yaal Helsinki

Waxaan nahay qareemo-caalami ah oo ku yaal Helsinki, gaar ahaan Sörnäinen. Shaqaalaheenu waxay leeyihiin aqoon iyo khibrado kala duwan, waxayna diyaar u yihiin in ay u adeegaan adiga iyo ganacsigaaga ama ururkaaga si kalsooni ku dheehantahay iyo qaymo macquula.

Hadafka shaqaalaheenu waxa waaye in kor looqaado xuquuqda aasaasiga ah iyo tan aadanaha iyo in la hubiyo helitaanka caddaalad dhamaystiran iyada oo aan loo eegin qofka dhalashadiisa, jinsigiisa ama derajada uu qofku bulshada uga jiro.

Markaad dooratid Lex Gaudius, waxaan kuugu taageereynaa garyaqaan khabiir ah oo kaa caawinaaya arimaha sharciga. Teamkeenu waxay qiimeyndoonaan xaaladaada waxayna si deg deg ah u abuuri doonaan qorshe hawleed la xiriira. Waxaan sidoo kale qaymayndoonaa xaq u lahaanshahaaga adeega sharciyadda lacagta la’aanta ah ama qayb ka mid ah in lagaaga bixiyo ama caymiskaaga aad ka hesho magdhow buuxa. Waxaan caan ku nahay in aan la shaqeyno dadka
dhaqamada kala duwan.

Si gaar ah waxaan macaamiisheenna ka caawinaa sharciyada caalamiga ah, laakiin waxaan kaloo siinaa adeegyo la xariira dhinacyada sharciyada kala duwan sida sharciga dambiyada, sharciga khilaafaadka, sharciga arrimaha dibadda, sharciga ganacsiga, sharciga shaqada iyo qandaraaska iyo kan ku saabsan arimaha qoyska iyo dhaxalka.

Waxaa naga go’an inaan kor u qaadno higsiyada Jumciyadda Quruumaha ka dhexeysa ee la xarira horumarinta bulshada Ajenda 2030. Waxaa si gaar ah yoolku noogu saaranyahay qorshe howleedka 16 aad. Ka soo ku saabsan in la helo bulsho ku dhisan nabad, caddaalad iyo sinnaan waxaana ugu muhiimsan in uu qofkastaa oo bulshada ka mid ah uu helo adeegyada sharciyada iyo in la hubiyo sidii hey’adaha adeega garsoorku ugu adeegi lahaayeen bulshada si siman.

Isbedelka ku yimid adeegyada nidaamka sharciga ee Finland awgeed, kaalmada sharciga ee ay bulshadu hesho way yaraatay, waana sababta aan ugu fidinay macaamiisheenna adeeg sharci oo lacag la’aan ah. Boqolkiba 10% waqtiga shaqada kooxdeena waxaa loo qoondeeyay kiisaska gargaarka sharciga ee lacag la’aanta ah. Laga bilaabo 2016 waxaan macaamiisheena siinay in ka badan 2000 saacadood adeeg sharci oo lacag la’aan ah. Sidaas awgeed waxaan suurta gal ka
dhignay in aan siinno kaalmada sharciga dadka baahihada aadka ugu qaba.

Adeegyadeena waxaa aas’aas u ah sinnaanta, caddaaladda, biniaadaminimada iyo midnimada. Waxyaalahaas aan soo sheegnay oo dhan muhiiim ayey bulshada sii kordheysa u tahay. Sababtaas awgeed waxaan ku faraxsanahay inaan la shaqeyno axsaabta doonaya inay hormariyaan adeegyadaas.